Site icon HORUFADHI MEDIA |

Soomaliland Maxakamadda Hargeysa oo xukuntay Nin Diinta Aflagaadeeyay…

Hargeysa (HM) ― Soomaliland Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta xukun xarig ah ku ridday Maxamuud Jaamac Axmed [Xamdi] oo lagu soo eedeyay inuu Aflagaadeeyay Diinta Islaamka.

Maxamuud Xamdi ayaa waxa uu kamid ahaa Macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada Somaliland.

Sida warbaahinta u xaqiijiyey Garsooraha Maxkmada G/Maroodi-jeex, waxa laba sanadood iyo lix bilood oo xarig ah ay ku xukuntay maxkamadu Maxamuud Jaamac Axmed Xamdi.

Muwaadinkan maanta xukunku ku dhacay ayaa lagu soo eedeyay inuu Warbaahinta internet-ka iyo baraha bulshada ku baahiyay qoraalo uu ku aflagaadeynayo Diinta Islaamka.

Maxamuud Xamdi, ayaa waxa uu kamid ahaa Musharixiintii ka qayb-galay doorashadii 2012-kii ee Golaha deegaanka Hargeysa, isagoo waqtigaasina iska soo sharaxay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Exit mobile version