WARARKA SOOMAALI

Soomaliland:-Maxakamadda Burco oo Saaka gubtay Surwaal uu watay nin Maxakamadda tagay-Sawiro

By Abdi rashid

June 02, 2020

Laascaanood (HM)-Maxkamadda sare ee Gobolka Togdheer ee maamulka Somaliland ayaa Saaka hadhsimadii gubtay Surwaal uu watay nin dhalinyaro ah oo Maxkamada tagay kadib amar la sheegay in uu bixiyay Gudoomiyaha Maxkamada Magaalada Burco.

Sida aan Wararka ku helnay nin dhakinyaro ah oo kamid ah bulshada Magaalada Burco ayaa saaka tagay xarunta Maxkamada gobolka Togdheer, ninkan ayaana la sheegay in uu xidhnaa Surwaal dhanka jilbaha ka jeex jeexan oo inta badan xidhaan dhalinyarada jiilkan dambe.

Sawirka.Surwaalka la gubay!.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer Muuse Dhoolayare oo arkay Surwaalka jeex jeexan ee uu watay ninkan ayaa amray in surwaalka ninkaasi laga bedelo kadibna dab la qabadsiiyo, waxaana surwaalkaasi lagu gubay gudaha Maxkamada Burco.

Gudoomiye Muuse Dhooloyare ayaa amarkan lagu gubay surwaalka jilbaha ka jeexnaa ee uu watay ninkan dhalinyarada ah u cuksaday anshax daro iyo in uu kasoo horjeeday dhaqanka suuban.

Baraha bulshada ayaana aad looga hadal hayaa dhacdada saaka lagu gubay surwaalkan jilbaha ka jeex jeexan ee inta badan xidhaan dhalinyarada, waana markii ugu horeesay Maxkamad kutaala gudaha Soomaaliya ay bixiso amarkan oo kale.

Horufadhi News