HORUFADHI MEDIA |

Soomaliland Khilaaf ka dhex qarxay Saraakiisha bariga iyo Nuux Taani iyo Doolaal oo la xidhay-Akhriso

Laascaanood (HM) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya inuu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya saraakiisha Ciidamada maamulka Somaliland, gaar ahaan taliyaha guud ee Milatariga iyo kan qeybta gobolka Sool ee maamulkaasi.

Taliyaha Ciidanka Milatariga maamulka  Somaliland Nuux Taani oo la hadlay warbaahinta ayaa amar deg deg ah ku bixiyay in la soo xiro taliyaha guutada 31-aad ee maamulkaasi Ismaaciil Faraax Cawaale (Doolaal).

Kulan ay yeesheen labada taliye ayaa la sheegay in fashil uu ku soo dhamaaday , waxaana kadib taliye Taanni uu amray in gudaha magaalada Hargeysa lagu xiro Doolaal oo ah taliyaha Ciidanka maamulka Somaliland ee ka howgala gobolka Sool.

Wararka qaar ayaa sheegaya in go’aankani taliyaha Milatariga Somaliland uu la ogyahay madaxweyne maamulkaasi Muuse Biixi Cabdi.

Arrintan ayaa salka ku heysa rabshado ka soo cusboonaaday gobolka Sool, halkaas oo ay Somaliland kula dagaalameyso jabhad xoreynta Gobalada Khaatumo taasoo habeenada xoojisay weerarada ba,an ee ay ku beegsanayso xarumaha iyo fadhisimaha xarumaha maleeshiyaadka Soomaaliland ,Jabhadda oo uu hogaaminayao Col. Feysal Falaalug ayaa wuxuu sheegay inuu sii wadi doono weerarada uu ku beegsanayo xarumaha maamulkaas ee Gobalka Sool.

Xaaladda  gobollada Sool iyo Sanaag ayaa maalmihii dambe kacsanayed, iyadoona dagaallo kala duwan ay ka dhaceen gobolladaasi, oo dhanka Gobalka Sanaagna ay dagaal xooggan maamulka Muuse kaga wado Jabhadda xaq u dirika ee uu hoggaamiyo Korneyl Caarre taasoo keentay in uu jaahwareer xoogan iyo kala shaki soo kala dhex galo saraakiisha maamulka Soomaliland ee Gobalada Bariga iyo hoggaanka ugu sareeya maleeshiyaadka ee Nuux Taani.

Exit mobile version