Hargeisa ( HM) Xisbiyada siyaasadda Somaliland ayaa heshiis ku gaadhay in sannadkan ay dhacdo Doorashada Baarlamaanka iyo Deegaanka, taasi oo Mudooyinkii dambe Muran xoogan uu ka taagnaa.
Xisbiyadda Kulmiye, Wadani iyo Ucid ayaa heshiis ka gaadhay qabsoomida doorashooyinka Golaha Wakiiladda iyo deegaanka , Waxayna sidoo kale heshiis ka gaadheen saamiqaybsiga kuraasta goboladda ee Golaha Wakiiladda / Baarlamaanka maamulka Somaliland.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa Khilaaf xoogan uu ka taagnaa Qaabka loo Wajahayo Doorashada iyo Xiliga ay Qabsoomayso.
Baarlamaanka maamulka Somaliland ayaa intooda badan ay kuraasta ku fadhiyeen tan iyo Sanadii 2005-tii, waxaana sidoo kale meel la kala dhaxlo noqday Golaha guurtida.
Horufadhi News.