HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Soomaliland Diyaarad kasoo kacday imaaraadka Carabta oo goordhow ka degtay Hargeysa-Video

Hargeysa (HM)-Diyaarad sidda shixnad gargaar ah oo ka timid waddanka Imaaraadka Carabta ayaa Arbacada maanta ah ka degtay garoonka diyaaradaha caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Sidda ay sheegeen mas’uuliyiin, shixnada ayaa isugu jirta qalabka looga hortaggo isla markaana lagu xakameeyo fayruska Coronavirus ee dunida faraha kulul ku haya ee loo yaqaano Corona.

Wasiirada Caafimaadka iyo Maaliyada xukuumadda Muuse Biixi Cabdi oo saxaafada kula hadlay gudaha madaarka ayaa mahadcelin balaaran u jeediyey xukuumadda Abu Dubai.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Labada mas’uul ayaa carabka ku dhuftay in kaalmadan caafimaad uu Imaaraadku soo gaarsiiyey “xiligii loo baahnaa”.

Somaliland ayaa xaqiijisay laba kiis oo cudurka Covid—19. Labadooda waxaa laga kala helay magaalooyinka Berbera iyo Burco. Midkood waa Shiinees, halka qofka uu yahay muwaadin ka yimid UK.

Guddiga ka hortagga xanuunka u qaabilsan maamulka ayaa soo wariyey in ay baaritaan ku bilaabeen dad ka badan 10, kuwaas oo lagu tuhmay caabuqa maadaama ay la kulmeen bukaanada.

Guud ahaan Soomaaliya, kiisaska ayaa gaarey sideed kadib markii Wasaarada Caafimaadka federaalka ay xalay soo warisay kiis cusub. Bukaankaas oo 58-jir ah waxaa la sheegay in uusan ka bixin Muqdisho.

Exit mobile version