Hargeysa (HM) ―Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, ayaa waxa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayey dilalka qorsheyn ee loo geysanayo shacabka.
48-saac ee u dambeeyay ayaa waxa isbitaalka Hargeysa la keenay labo ruux oo meyd ah, sida ay warbaahinta u sheegen qaar kamid ah shaqaalaha isbitaalku, labadan ruux ayaa loo dilay qaab qorsheysan.
Labadan ruux ee meydka ahaa ee isbitaalka la geeyay ayaa midkood waxa laga soo saaray ceel-biyood ku yaala koonfurta Hargeysa, halka ruuxa kalena lagu dilay guri ku yaala Xaafada Ibraahin kood-buur oo meydkiisa laga soo qaaday, kuwaasi oo ay qoysaskoodu noo sheegen in lagu dilay shirqool.
Waxa sidoo kale dhowaan isla magaalada hargeysa gudaheeda lagu khaarijiyey Nin ka howl-gali jirey shirkada korontada ee Sompower.
Muddooyinkii u dambeeyaya ayaa waxa magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland kusoo badanayey dilalka qorsheysan, kuwaasi oo inta badan lagu bartilmaamsado dad shacab ah iyo weliba shaqaale ka howl-gala shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa dilalkaas qaar kamida usoo qab-qabtay dad lagu tuhunsanyahay inay ka dambeeyen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen qaar kamida laamaha amnigu, inkasta oo ay weli warbixin rasmiya aysan bulshada la wadaagin.