HORUFADHI MEDIA |

Soomaliland cabsi ka taagan magaalooyinka waa weyn & Ciidanka oo dadka guryaha ugu galay.

Hargeysa (HM)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya boqolaal katirsan ciidanka ammaanka ee maamulka Somaliland oo maalmihii ugu dambeeyey lagu soo daad gureeyey magaalooyinka waaweyn ee maamulkaasi.

Ciidanka oo wata gaadiidka fudud ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn ee magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorame, waxaana ay baadhitaano ku samaynayaan gaadiidka dadweynaha.

Shacabka kunool magaalooyinkaasi oo aan u baran tiro ciidan intaasi le’eg ayaa ciidanku waydiinayaan dhalashada Somaliland iyo qofka dammiinka ka ah sida ay goob joogayaal sheegeen.

Howlgalladaan iyo heeganka ciidan ayaa la sheegay inay yimaadeen kadib markii sirdoonka maamulka Somaliland uu helay xogo muujinaya weeraro laga fulin karo deegaamo katirsan maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa kamid ah meelaha ugu ammaanka badan guud ahaanba Soomaaliya, marka laga reebo deegaanada ay xooga ku haystaan ee bariga oo la aaminsan yahay amni daradaana inay iyaga masuul ka yihiin, balse hada lama oga cabsida xilligaan taagan iyo sababta xilligaan keentay weerarada laga cabsi qabo iyo nooca ay yihiin.

Horufadhi News

Exit mobile version