Site icon HORUFADHI MEDIA |

Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay dalalka aan u diyaarsanayn la tacaalida cudurka coronavirus.

Muqdisho (HM)- Soomaaliya ayaa noqotay Wadanka ugu liita ee tacaalida cudurka Coronavirus, sida lagu sheegay xog cabiraysa awooda waddanku uu ula tacaali karo cudurada faafa.

Marka loo eego tusaha u nuglaanta cudurada faafa (IDVI) ee cabbirka tirakoobka, oo tilmaam u ah awooda uu waddanku ula tacaali karto cudurrada faafa, Soomaaliya waxay ku jirtaa kaalinta ugu liidata waxayna leedahay dhibic guud oo 0 ah.

Labo iyo labaatan ka mid ah 25-ka waddan ee ugu nugul ayaa laga helaa Saxaraha ka hooseeya Afrika.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Bariga Dhexe, dhibcaha cabbirka wuxuu u dhexeeyaa, UAE (0.76), Saudi Arabia (0.73), Kuwait (0.66), Masar oo aad u yar (0.53), Lubnaan (0.54), iyo Ciraaq (0.43).

Kooxda soo saartay cabibirkaan ee la yiraahdo IDVI waxay tixgaliysay todoba arimood oo saameeya u nuglaanta cudurka, waxayna kala yihiin, tirakoobka, daryeelka caafimaadka, caafimaadka dadweynaha, dhaqdhaqaaqa cudurka, siyaasada-gudaha, siyaasada-caalamiga, iyo dhaqaalaha.

Xogtaan oo soo baxday bishii february Xogtaan oo dhawaan la qoray ayaa kusoo beegmaysa kadib markii Soomaaliya markii ugu horeysay laga helay kiiskii ugu horeeyay ee Coranavirus.

Exit mobile version