Site icon HORUFADHI MEDIA |

Somalia iyo Kenya oo heshiiyay dibna usoo celinaya xiriirka diblomaasi

Shir madaxeedkii 38-aad ee IGAD oo aan caadi ahayn ayaa goor dhoweyd oo Caawa lagu soo gabagabeeyay dalka Jabuuti, iyadoo xal laga gaaray arrimihii ugu adkaa ee shirka hor yaallay.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhexdhexaadiyay oo kulan isugu keenay madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Kenya Uhuru Kenyatta, waxayna ku guuleysteen inay ku qanciyaan labada dal soo celinta xiriirkii diblomaasi iyo in xaaladda la qaboojiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta badan culeysku saarnaa, maadaama ay Soomaaliya iyadu xiriirka u jartay Kenya, isla markaana dacwad u gudbisay IGAD, waxaana la sheegay in heshiiska ay Soomaaliya iyo Kenya dhex dhigeen madaxda Jabuuti iyo Itoobiya la shaacin doono marka madaxda Soomaaliya iyo Kenya ay ku noqdaan dalalkooda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa laga dalbaday inay si Deg deg ah ugu dhawaaqaan  soo celinta xiriirka diblomaasi ee Kenya iyo Soomaaliya.

Madaxda IGAD ayaa dhinaca kale taageeray howlgalkii ay Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigray, waxaana Guddi loo saaray xalinta khilaafka xuduudka Itoobiya iyo Suudaan.

Exit mobile version