WARARKA SOOMAALI

Soomaaliland oo Garoonka Hargeysa u diiday in ay kasoo degaan Dhalinyaro Dowladda Soomaaliya Liibiya kasoo celisay-Akhriso

By Abdi rashid

June 03, 2018

Hargeysa (Horufadhi News)-Soomaliland ayaa maalinimadii shalay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ka celisay diyaarad sida dhalinyaro reer Somaliland ah oo laga soo ceshay dalka Liibiya,kuwaas oo ka mid ahaa 151 dhalinyaro ah oo xamar la keenay maalmihii lasoo dhaafay, maamulka Garoonka ayaana ku dooday in diyaaradu aysan ka diwaan gashanayn Somaliland sidaas darteedna ay u diideen in ay kasoo degto garoonka Hargaysa.

Duuliyaha diyaarada ayaa ku dooday in uusan haysan shidaal ku filan oo uu ugu laaban karo muqdisho, waxa uuna markii dambe diyaarada ka dejiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

Ehelada carruurta lasoo celiyay ayaa ku diyaarsanaa garoonka si ay u arkaan ubadkooda oo mudo dheer ay ugu danbaysay, Dhalinyarada ayaa maanta laga dejiyay garoonka diyaaradaha ee Hargaysa sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha garoonka diyaarada ee Cigaal International Airport.

Wariyeha Horufadhi News ee Garoowe ayaa kusoo waramaya in dhalinyarada ay arrintan ku noqotay mid Niyad jab weyn maadaama ay mudo badan dalkooda ka maqnaayeen iyaga oo uga cararay Shaqo la,aan iyo arrrimo kale ay maanta markii ay usoo hiloobeena kala kulmeen dhibaatadan .