WARARKA SOOMAALI

Soomaalida Mareykanka oo ka mudaharaaday xasuuqa ka socda Laascaanood

By xuseen waashitoon

February 25, 2023

Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka dhacay banaanbax ballaaran oo dhan ahaa dagaalada xooggan ee todobaadkii saddexaad oo xiriir ah kasii socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Dadka dhigaayay banaanbaxa oo isugu soo baxay bartamaha Magaalada Washington ayaa waxaa ay ku qeylinayeen erayo ka dhan ahaa Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ciidankiisa ay duulaanka kusoo qaadeen Laascaanood.

Sidoo kale dadka waday banaanbaxa oo watay calanka Soomaaliya iyo boorar ay ku qoran yihiin oraah liddi ku ah sii socoshada dagaalka ayaa dalbaday in shuruud la’aan loosoo afjaro dagaalkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 150 qof o shacab ahaa.

Banaanbaxayaasha ayaa Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in uu ‘Xasuuq’ ka geystay Magaalada Laascaanood, shuruud la’aana looga baahan yahay in ciidankiisa uu ka saaro Magaaladaas oo ay ka wadaan duqeymo aan kala joosi laheyn oo ku garaacayaan.

In ka badan 100 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyootay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood, dhaawaca waxa uu kor u dhaafay 500 oo qof halka ay barakaceen dad kor u dhaafaya 185,000 oo qoys.