WARARKA SOOMAALI

Soomaali hor leh kana soo carartay Colaada Suudaan oo timid Muqdisho

By xuseen waashitoon

May 07, 2023

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 137 Muwaadin oo ka soo cararay Dagaalada dalka Suudan ka socda ee u dhexeeya ciidamada milateriga iyo ciidanka Gurmadka Deg-dega ee RSF

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah iyo Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan soo galootiga  ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay 73-qof halka sidoo kale 64-qof diyaaradu ka dejisay Garoowe.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xamza Aadan Xaadoow oo ka warbixiyay soo dhoweynta muwaadiniinta isagoo sheegay in DFS ay sii laban laabtay dadaalada lagu soocelinayo muwaadiniinteeda ku barakacay gudaha Suudaan iyo dalalka deriska la ah.

Dagaalka ka socda dalka Suudaan ayaa waxa uu bilowday bishii April 15-dii, waxaa uu ku faafay 12 Gobal oo ka mid ah 18-ka gobal ee uu dalkaasi ka kooban yahay.

Waxyeellada ugu badan ee dhimashada iyo dhaawaca waxay ka dhaceen dagaallada lagu riiqmay ee ka kala dhacay Goballada Khartoum iyo Galbeedka Daarfuur.