WARARKA SOOMAALI

Somaliland oo saaka burburisay Guryo ay deganaayeen Qoysas badan

By xuseen waashitoon

December 05, 2021

Wararka ka imaanaya Soomaaliland ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Hoose ee Magaalada Berbera ay saaka waabarigii hore Cagaf Cagaf gelisay qeybo ka mid ah Guryo ay deganaayeen dad rayid ah oo ku yaala Xaafadda Xero-aboo ee Magaalada Berbera.

Qof kamid ah dadka Magaalada Berbera ayaa warbaahinta u sheegay in Saaka Salaadii hore Dowladda Hoose ee magaaladaasi ay bilowday duminta guryaha xaafadda xero-aboo, iyadoo la arkayay dumar iyo Carruur dhooban laamiga dhiniciisa.

Dadka guryahoodi la dumiyey ayaa la sheegay in saaka cagafta uun la galiyey guryahooda, iyadoo aay wax digniin ah la siin ayna ku mashquulsan yihiin sidii ay Carruurtooda halkaasi uga saari lahayeen.

Xoghayaha dowladda Hoose ee Magaalada Berbera oo goobjoog ka ahaa howlgalka burburinta ayaa sheegay inuu dib ka faahfahfaahin doono sababaha keentay in la burburiyo Guryaha ay deganaayeen dadka rayidka ah ee magaalada Berbera.