WARARKA SOOMAALI

Somaliland oo Maanta xukun Dil ah ku riday Askari dilay Taliye, kadib markii…

By xuseen waashitoon

May 07, 2023

Maxkamadda ciidanka milatariga Somaliland darajadeeda koowaad ayaa Maanta oo Axd ah waxa ay xukun dil toogasho ah ku riday Dable Axmed Cabdi Cabdullaahi oo ka tirsan ciidanka ilaalada xeebaha Maamulka Somaliland.

Askarigan ayaa lagu helay inuu Arbacadii toddobaadkii hore magaalada Lawyocaddo ku dilay Taliye Khadar Maxamed Caynaanshe oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland.

Maxkamadda Ciidanka Milateriga Maamulka Somaliland ayaa Dable Axmed Cabdi ku heshay demiga dilka ah oo uu geystay, isla markaana waxaa ay ku riday xukun dil toogasho ah, fadhiga Maxkamadeynta ayaa waxaa ku sugnaa ehelada Marxuumka.

Eedeysane Dable Axmed Cabdi ayaa u dilay Taliye Khadar Maxamed Caynaanshe oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland sabab la xiriirta muran soo kala dhex-galay, kaasi oo keentay inuu dil geysto Axmed.

Caro dad weyne oo xooggan ayaa ka dhalatay dilka askariga maanta la xukumay uu u geystay marxuum Khadar, iyadoo xiisad arrintaasi ka dhalatay saacadihii lasoo dhaafay ay ka taagnays Gobolka Awdal.