WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Somaliland oo Jawaab kulul ka bixisay Eedeyn ay Puntland u jeedisay

By xuseen waashitoon

November 05, 2022

Maamulka Somaliland ayaa Maanta ka jawaabay hadal kasoo yeeray Taliyaha Ciidanka Daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland Abshir Cabdi Jaamac oo ku aadanaa in Somaliland ay magan-geliso kooxaha waxa loogu yeero Argagixisada.

Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani oo Maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Somaliland magan-geliso kooxaha waxa loogu yeero Argagixisada.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Somaliland ayaa waxaa uu hadalkiisa intaas kusii daray in liiskii u danbeeyay ee shakhsiyaadkii dowladda Maraykanku ku tilmaamay Argagixisada ay dhammaantood ka soo jeedaan deegaannada Puntland.

Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani ayaa Puntland ku eedeeyay inay hurineyso dagaal dhexmara labada dhinac, balse wuxuu xusay inay yaqaanaan waxa uu dagaal yahay, isla markaana haddii tallaabo qaadaan Maamulkaas ay jawaab ka bixin doonaan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKAÂ