Site icon HORUFADHI MEDIA |

Somalia oo Dacwad ka dhan ah Kenya gudbisay iyo Jawaab Deg-deg oo…

Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa u gudbisay urur goboleedka igad dacwad rasmi ah oo ay uga ashtakoonayso xadgudubyadda dowladda kenya ay kula kacday madaxbanaanida jamhuriyadda federaalka Soomaaliya.

:Dowladda federaalka Soomaaliya waxay dadaallo badan ku bixisay sidii ay u wanaajin lahayd xiriirka kala dhaxeeya dowladda kenya” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya.

Urur goboleedka igad oo ka soo jawaabay dacwadda dowladda federaalka Soomaaliya u gudbisay ayaa kulan degdeg ah 20-ka Disembar ku yeelan doona Magaalada Djbiouti, kaasi oo ajendayaasha looga hadlayo ay ka mid tahay Faragelinta kenya ee arrimaha Soomaaliya.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa mar walba soo dhaweynaysaa dadaalka urur gobolleedka igad iyo talaabo walba oo lagu xaqiiniyo in la dhowro Mabaadi’da daris wanaagga, nabad kuwada noolaanshaha iyo madaxbanaanida Dalalka Gobolka” ayaa lasii raacsiiyay Qoraalka dowladda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ma faahfaahin waxay ku saabsan tahay Dacwadda ay Soomaaliya kusoo oogtay dowladda Kenya, waxaana Dacwadaan la gudbiyey ay kusoo aadeysaa, iyada uu sii xumaanayo xiriirka labada dal u dhexeeya.

Exit mobile version