POLITICS

Somalia iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah oo ku…

By Xuseen Post

September 23, 2021

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann.

Kulanka Wasiirka Maaliyadda iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa diirada lagu saaray arrimaha horumarinta Maaliyadda dalka iyo guulaha laga gaaray dib-u-habeynta Maaliyadda iyo arrimaha Deyn cafinta Soomaaliya iyo caqabadaha jira wali.

“Maanta waxa aan kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Tiina Intelmann, oo aan ka wada hadalnay arrimaha horumarinta Maaliyadda dalka oo ay Dowladda Soomaaliya dadaal dheer ku bixisay sanadihii la soo dhaafay. ” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle.

Waxaa sidoo kale kulan looga hadlay xoojinta wadashaqeynta Wasaaradda Maaliyadda iyo xaafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ee  dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada Farsamada ee uu Midowga Yurub siiyo dowladda Soomaaliya.