HORUFADHI MEDIA |

Socdaalkii Nabadda ee Beelaha walalaha ah oo gaadhay Degmada Marqaan ee G. Doollo-Video

Buuhoodle (HM)-Magaalada Marqaan Weyne ee Gobolka Doollo waxaa maalintii labaad ku sugan ergooyinka Nabadda beelaha walaalaha ah ee Hagar iyo Hayaag kadib socdaal nabadeed oo ka bilaabmay Magaalada Saaxdheer ee Koonfurta gobolka Sool oo gogashii koowaad la dhigay halka gogosha labadna la dhigay deegaankaasi.

Socdaalkan oo sii maray deegaano dhowr ah isla markaana ku wajahan deegaano fog oo bariga Gobolka Doollo ah, ayaa ujeedkiisu yahay sidii xal nabadeed oo waara looga gaadhi lahaa colaada kusoo noq noqatay deegaanka, isla markaana loogu gogal xaadhi lahaa nabadda adkeynteeda.

Weftiga nabadeynta waxaa hoggaanka u haya madaxda dhaqanka ee SSC oo uu ugu horeeyaan Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, maamulka sare ee Gobolka Doollo, iyo isimada dhaqanka ee labada beelood.

Shalay markii ay gaadheen Degmadda Marqaan ee Gobolka Doolo waxaa halkaasi ergada si heer sare ah ugu soo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka iyo maamulka heer deegaan oo iyagu maalmihii lasoo dhaafayba si weyn ugu diyaar garoobayey qaabilada ergada culus ee nabadeynta beelaha walaalaha ah.

Shir balaadhan oo ka dhacay bartamaha Magalaada Marqaan Weyne waxaa lagu sii xoojiyey doorka nabadda ee la rabo inay dhaqan galiyaan beelaha gogosha loo dhigay deegaanka, isimadda dhaqanka iyo cuqaasha labada dhinac oo madasha hadalo ka jeediyay waxaa ay muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin inay qayb ka noqdaan oo dhaqan galiyaan dadaalka nabadeynta ee ergadu wadaan isla markaana lagu doonayo in xal kama dambeys laga gaadho colaada.

Ergada Nabada ayaa la filayaa inay maantaba gaadhaan deegaanka aangelo ee Santarka rka Jarmal halkaasoo la doonayo in geediga nabada markale lagu sii furo isla markaana isimaddu ay khudbado ka jeediyaan, kadibna kor ay kaga yimadaan halkii socdaalku ka bilaabmay ee deegaanka Horufadhi ee duleedka Buuhoodle Haddii Alle idmo.

Horufadhi News

Degmada Marqaan Weyne.
Exit mobile version