WARARKA SOOMAALI

Siciid Deni oo u sheegay xildhibaanada Sool, Sanaag iyo Cayn inay Laascaanood nabad tahay.

By News Hour

September 05, 2020

Muqdisho (HM)-Kulan dhexmaray siyaasiyiin , xildhibaano iyo ganacsato ka soojeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka dhacay Muqdisho. Xildhibaanadan iyo ganacsatadan ayaa u bandhigay qorshe rabitaan oo bulshada deegaamadaasi ku doonayaan inay sameystaan maamul u gooniya gobolaaddaas.

Ka dib markii xubno badan iska daba hadleen, ayuu Deni u sheegay ka soo qaybgalayaashii shirka inay iimaansadaan horumarka ka dhacay Laascaanood iyo sidoo kale inay joogitaanka bulshada Garoowe ka joogta ku xisaab goostaan. Horufadhi News sida ay ilo lagu kalsoon yahay ka helayso, shirku wuxuu ku dhamaaday xanaaqā€¯Maxaad rabtaan hadaad tihiin reer SSC, Laascaanood waa horumartay, waana dhisatay, halkan waad joogtaan, Puntland xilal badan beey idin siisay! Maxaa idin ka maqan!!

Xubnihii halkaas joogay waxa ka mid ah wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka bada Abduulaahi Bidhaan Warsame iyo inta badan xildhibaanada markii horeba Garoowe laga soo amaamuday, ee sheega inay matalaan goboladaas. Kuwaasoo waji gabax ka dib shirka ka baxay.