Site icon HORUFADHI MEDIA |

Siciid Deni oo galka Seefta kala baxay markii Baarlamaanka Puntland diiday Miisaniyadii…

Garoowe ( HM) Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Wareegto uu soo saaray wuxuu xilkii ka qaaday hanti-dhowrka Guud, ggaasimayaasha Bangiga iyo wasaaradda maaliyadda iyo xisaabiyihii guud

Madaxweyne Deni ayaa  wuxuu magacaabay 7 xil oo kala ah:

Cabdirisaaq Cumar Faarax waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland

Maxamed Faarax Maxamuud waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland

Cabdirisaaq Maxamed Xasan waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Maxjarka

Faysal Cabdullaahi Warsame waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.

Cumar Saalax Aadan waxaa loo magaacabay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland

Waxaa Keenadiid Cali Jaamac loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda

Waxaa Abshir Maxamed Abshir loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda.

Magacaabistan ayaa imaanaysa iyadoo maalintii shalay ay Barlamaanku diideen inay ansixiyeen xisaabxirka Miisaaniyadii dowladda ee 2018ka.

Exit mobile version