WARARKA SOOMAALI

Shirweynaha Tokyo ee horumarinta Afrika oo furmay & Qodobada Shirka

By xuseen waashitoon

August 27, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgalaya Shirka Caalamiga ee Tokyo ee Horumarinta Afrika oo ka furmay maanta magaalada Tunis – kaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirka ayaa waxaa furay Madaxweynaha Tunisia, Qays Saciid oo ka hadlay iskaashiga dalalka qaaradda Afrika iyo dowladda Japan.

Shirkan caalamiga ah oo sidoo kale qudbado ay ka jeedinayaan madaxda Afrika iyo Japan ayaa waxay kaga wada hadlayaan  qodobo ay ugu waaweyn yihiin kobcinta dhaqaalaha, sidii loo abuuri lahaa fursado horumar, bulsho isku filnaansho gaarta iyo qaabkii looga shaqeyn lahaa nabad iyo degenaansho ay helaan wadamada Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa waxaa madasha shirka caalamiga ee TICAD8 ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Tunisia, Qays Saciid.