WARARKA SOOMAALI

Shirweynaha Dowladaha Caalamka ee 2023 oo maanta si rasmi ah u furmay

By xuseen waashitoon

February 13, 2023

Magaallo-Yarta oo ku dhex taal magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa Maanta laga daah-furay Shirweynaha dowladaha Caalamka ee sanadkan 2023-ka ,waana kulanka ugu ballaaran Caalamka ee noocan ah, waxaana ka qeyb galayo Wafuud ka kala socota 150 Waddan.

Shirkaasi oo Maanta oo Isniin ah furmay ayaa waxa  uu socon doonaa  ilaa bishan February 15-da, Ilaa 20 Madaxweyne  iyo Ra’iisul-wasaare, in ka badan 250 wasiir iyo 10,000 oo Mas’uuliyiin Dowladeed, Hoggaamiyayaasha Aragtida iyo  khubaro Caalami ayaana lagu casuumay Shirweynahaasi.

Shirka ayaa waxaa oo lagu lafa-guri doonaa Mustaqbalka qaabaynta dowladaha Caalamka, Hindise abuurka Arrimaha ugu daran aadanaha, naqshadaynta hababka loo wajahi karo caqabadaha, Hagaajinta Tayada Nolosha iyo horumarinta sayniska iyo Teknoolajiyada.

Ka-qeybgalayaasha Shirka waxay hal daqiiqo oo aamusnaan ah u istaageen inay ku xusuusteen Kumanaanka qof ee ku dhintay Dhul-gariirkii ka dhacay dalalka Türkiye & Syria.