Nairobi ( HM)-Shirkada xawiladdaha lacagaha ee lagu magacaabo Worldremit ee uu leeyahay ganacsade Ismaaciil Ahmed oo reer Hargaysa ayaa markii labaad xadgudub ku samaysay qaranimada dalka Soomaaliya.
Shirkadan markii hore liiska magaca Soomaaliya iyo meelaha ay lacagaha u dirto marka ay timaado dhanka Appka kuma jirin, waxayna ku dartay Liiska Somaliland oo ay la sintay dalalka kale ee adduunka.
Haatan Shirkada ayaa liiskeda ku soo dartay Soomaaliya, waxayna labada dhinacba ku dhejisay calanka maamulka Somaliland, Iyadoo Soomaaliya ka dhigtay inay astaanta calankeedu tahay kan maamulka Somaliland.
Shirkadan ayaa xadgudubyada ay sameysay yihiin kuwa lagu dacweyn karo ayadoo bangiyo ku kala yaala Ingiriiska iyo magaalada Denver ee gobolka Colardo cilaaqaad la leh, haddii sharciga lala tiigsadana labada xad guduba lagu heli karo, marka hore khalad ka ay gashay oo ahaa in Somaliland oo aan dal ahayn ay u aqoonsatay dalnimo, isla markaana kala jartay dalkii, markalena ay sameysay inay gef gaadhsiisay Soomaaliya oo calankii xaqirtay.
Ismaaciil Remit ayaa ah nin ay qaraabo dhaw yihiin madaxweynaha maamulka Soomaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasoo dhawr jeerna amaan kala duldhacay, lana Aaminsan yahay inuu qaraabo ahaan u Naasnuujiyo.
Dawladda Soomaaliya, safiirka Washignton Dc iyo wasaarada arimaha debedda ayaa laga sugayaa inay talaabo deg deg ah arintan ka qaadaan.
Dhinacale Shirkadda Xawaalada ee Dahabshiil Group ayaa dhowaan si adag isaga Fogaysay Warar Been abuur ah oo kasoo baxay Worldremit oo ay ku sheegtay inay dadka Lacagaha ku dirsada ka qaadan karaan Dahabshiil, Waxayna sheegtay inaysan wax Xidhiidh ah la lahayn shirkadaasi iyado maamulka sare ee Shirkadda Dahabshiil ka hadlay Hargeysa uu arrintaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay.
Horufadhi News