WARARKA SOOMAALI

Shirka Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo Maanta lasoo gaba-gabeynayo

By xuseen waashitoon

June 12, 2022

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya ee shalay ka furmay Xarunta Madaxtooyada dalka ayaa Maanta oo Axad ah galaya maalintii labaad ee Shirka.

Shirka Golaha oo uu furay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa looga hadlayaa qorsheyaasha hortabinta u leh dowladda oo ay ugu horreyso xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed, dib u heshiisiinta, Amniga iyo Abaaraha jira.

Maanta ayaa waxaa shirka lagu faaqidi doonaa dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa sida uu qorshahu yahay lagu wadaa in gelinka dambe ee Maanta lasoo gaba-gabeeyo, isla markaana laga soo saaro War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada isku raacsan yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh, RW Rooble Madaxweyneyaasha maamulada sida: Jubbaland, Koonfur-Galbeed, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa ka qeyb galaya Shirka Golaha.