WARARKA SOOMAALI

Shirka Madaxda Dowladda iyo Mucaaradka oo maalintii labaad socda

By xuseen waashitoon

July 13, 2023

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Decale ayaa waxaa maalintii labaad ka socda shir wadatashi ah ay isugu yimaadeen Madaxda dowladda Federaalka,  Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka, shirka ayaa shalay waxaa furay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirkaan oo loo qorsheeyay inuu socdo saddex maalin ayaa waxaa looga hadlayaa qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin xaaladda dalka, amniga, la dagaalanka Al-Shabaab, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku biiray shirka, waxaana Maanta Madaxda ay is dhaafsan doonaan doodo.

Madaxweynaha ayaa ayaa madaxdii hore la wadaagay waxa u qabsoomay sanadka uu xafiiska joogay, sidoo kalena waxaa loo gudbi doonaa in la dhageysto aragtidooda ku aadan xaaladaha waaweyn sida dagaalka Al-Shabaab, xaaladda guud ee dalka, arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka.

Madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka Cabdi Farax Shirdoon iyo Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ka cudurdaartay ka qeyb galka shirk aka socda Muqdisho.