Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Shirka Madaxda DFS iyo M/Goboleedyada oo Maanta furmaya

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Shirka Golaha wadatashiga Arimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyadda Xubnaha ka ah Dowladda.

Shirkaan ayaa waxaa inta uu socdo looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xalinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa, kaasi oo uu saldhig u yahay heshiiskii 17-ka September la gaaray.

Saacadaha soo socda ee Maanta ayaa waxaa uu qorshahu yahay inuu Shirka ka furmo Teendhada Afisyooni, waxaana Shirka guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la wareegay maamulka Doorashada.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka iyo Warbixinta

Exit mobile version