Shirka ay isugu imaanayaan Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in Maanta oo khamiis ah uu ka furmo Magaalada Muqdisho.
Shirkaan oo Madaxda isugu yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa looga hadli doonaa xalinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa dalka.
Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa aqbalay ka qeyb galka Shirka oo siweyn isha loogu haayo, uuna saldhig u noqon doono heshiiskii 17 Sep.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, si uu uga qeyb galo, waxaana weli Caasimadda ka maqan Lafta-gareen, Axmed Madoobe, Saciid Deni iyo Cali Guudlaawe.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay diyaar u yihiin qabsoomida Shirka, isla markaana ka muujiyay natiijo wanaagsan, waxaana la filayaa in Maanta uu si rasmi ah uga furmo Muqdisho.