WARARKA SOOMAALI

Shirka horumarinta Africa oo maalintii 2-aad ka socda Magaalada Tunis

By xuseen waashitoon

August 28, 2022

Magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya ayaa waxaa maalintii labaad ka socda Shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD) oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota dalalka qaaradda Afrika iyo hay’adaha caalamka.

Shirka oo shalay furmay ayaa waxaa diirada lagu saarayaa iskaashiga dalalka qaaradda Afrika iyo dowladda Japan, Isbeddelka cimilada, kor u qaadida Ganacsiyada u wanaagsan deegaanka iyo cuntada yarida ka jirta Afrika, kadib duullaankii Ruushka ku qaadey Ukraine.

Madaxda ka qeyb galeysa Shirka ayaa waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, waxaana Maanta uu Shirka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo arrimo kala duwan oo ku aadan Afrika iyo dowladda Somalia.

Waa Shirkii sideedaada ( 8aad) ee noociisa oo kala ah, markii labaadna lagu qabto qaaradda Afrika.

Madasha Shirka ayaa waxaa isugu yimid madaxda wadamada Afrika iyo wafdiyo ka socda hay’adaha caalamka, si looga wada xaajoodo arrimaha mudnaanta u leh dardargalinta horumarka Afrika.