WARARKA SOOMAALI

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho

By xuseen waashitoon

June 11, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkii ugu horreeyay tan iyo markii la doortay isugu yeeray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ku mideysan yihiin Madaxda maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Magaalada Muqdisho.

Shirka Madaxda ayaa Maanta ka furmaya Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in shirka looga hadli doono Arrimo ay kamid yihiin xaaladda amni ee dalka, dhaqaalaha iyo sidii gurmad loogu sameeyn lahaa dadka Soomaaliyeeed ee Abaarta ku sameeysay Gobolada dalka.

Shirkan Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka qeybgalayaan madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoomin doona Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waa Shirkii ugu horreeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ee uu shir Guddoomiyo Madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii la doortay, waxaana xusid mudan in Madaxweynaha uu kulan la qaatay oo kaliya Madaxda maamul Goboleedyada.