WARARKA SOOMAALI

Shirka Golaha Wadatashiga oo Maanta furmaya & Qodoba laga hadlayo

By xuseen waashitoon

August 26, 2023

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, Shirka Golaha ayaa waxaa guddoomin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud

Illo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Shirka Golaha ee saacadaha soo socda furmaya looga hadlayo arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xaaladda guud ee  amniga dalka iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shalay gaaray Dhuusamareeb, waxaana uga soo horeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo shirkaasi martigelinaya.

Madaxweyneyaasha maamulada Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan caasimadda Galmudug, halka Madaxweynaha Puntland la xaqiijiyay in uusan shirkaas ka qeyb geli doonin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo u ka wada abaabulka dagaal ka dhan ah Al-shabaab. Ciidamada dowladda Soomaaliya aya dorraad la wareegay degmada Ceel-buur oo in muddo ah ku jirtay gacanta Al-shabaab.