Muqdisho (Horufadhi News)-Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta inuu ka furmo magaalada Baydhabo, iyadoo Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ku wajahan yihiin.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda dowlad goboleedyada iyo wafuud ka socota Beesha caalamka ay ku sii jeedaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu shirkan si rasmi ah u furo, waxaana u soconayaa labo maalmood.
Wararka ayaa sheegaya in shirka looga hadlayo ammaanka dalka, siyaasadda iyo hanaanka doorashooyinka ee sanadka 2020.
Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo shalay gaaray Baydhabo ayaa ugu baaqay dadka reer Baydhabo inay ka qeyb qaataan soo dhoweynta wafuuda imaaneysa.
Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ciidamada dheeraad ka geeyay duleedyada magaalada iyo gudaha, waxaana la baarayay gaadiidka kala duwan.