WARARKA SOOMAALI

Shirar socday DFS iyo Hay’adaha dhaqaalaha Adduunka oo lasoo gaba-gbeeyay

By xuseen waashitoon

May 22, 2022

Shirar iyo kulamo u socday todobaadkaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha dhaqaalaha Adduunka ayaa maalintii shalay aheyd lasoo gaba-gabeeyay, waxaana kulamada ay ahaayeen kuwo ku qabsoomay aalada ZOOM-ka.

Shirkii ugu danbeeyay ee shalay oo ku qabsoomay ZOOM-ka ayaa waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuuamdda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle la yeesheen Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB).

Bangiga Horumarinta Afrika, Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxweynaha cusub ayaa ka wadahadlay sii wadidda howlaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taageerada Bangiga ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday in dowladdiisu ay xoogga saari doonto dhammeystirka howlaha deyn cafinta iyo sidoo kale ay xoojin donaan wadashaqeynta Hey’addaha Maaliyadda ee caalamiga ah.

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh oo uu Wasiirka Maaliyadda weheliyo ayaa waxaa ay hore shirar muhiim ah ula qaateen Madaxda Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka kuwaasi oo dhammaan si guul ah ku soo dhammaaday.