WARARKA SOOMAALI

Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo Maanta furmay iyo Baaq lasoo saaray

By xuseen waashitoon

February 05, 2022

Shirweynaha 35-aad ee Ururka Midowga Afrika ayaa Maanta ka furmay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, waxaana Shirka ka qeyb galaya hoggaamineyaasha dalalka Afrika oo uu kamid yahay Madaxweyne Farmaajo..

Shirweynahan ayaa waxaa inta uu socdo looga hadlayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika iyo hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Guddoonka Shirka 35-aad ee Ururka ayaa ku baaqay in si wadajir ah wax looga qabto degenaansho la’aanta siyaasadeed ee ka jirta qaaradda oo dhowaan ay ka dhaceen dhawr afgambi oo Milateri.

Waxaa su’aal la iska weydiiyay in qaab dhismeedka siyaasadeed ee Afrika xilligan ka jira uu yahay mid haqabtiri kara baahida malaayiinta qof ee ku nool qaaradda ee heysata dhibaatada saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.