WARARKA SOOMAALI

Shir looga hadlay joojinta dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya oo qabsoomay

By xuseen waashitoon

February 26, 2022

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan looga hadlay joojinta dhuxusha sida sharci darrada ah looga dhoofiyo Soomaaliya ku qabatay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Shirkaan ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray waxyeeleynta degaanka ay u geysteen Soomaaliya iyo dhibaatooyinka ka dhashay iyo sidii loo qaadi lahaa tilaabooyin looga hortagi lahaa.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa marti galisay shirkaan oo ay ka qeyb galeen Dalalka Iskaashiga Gacanka Carabta, Bariga Afrika iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay ee qaabilsan horumarinta iyo degaanka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in dhammaan dalalkii kasoo qeyb galay shirkaan ay qaaxeen muhiimada ay leedahay in Soomaaliya laga caawiyo sidii loo joojin lahaa dhuxusha oo halis ku ah Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sida joogtada ah looga dhoofiyo dhuxusha iyadoona horay dowladda iyo qaramada Midoobey ay u mamnuuceen.