WARARKA SOOMAALI

Shil naxdin leh oo Maanta ka dhacay degaan ka tirsan Puntland iy Dad ku…

By xuseen waashitoon

November 08, 2021

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh gaystay oo ka dhacay inta u dhexeeysa dalwayn iyo Juriile oo ka tirsan degaanada Maamulka Puntland.

Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeriyooday Shilkaas ka dhacay wadada laamiga ah ee xiriirisa dalwayn iyo Juriile, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku taalla Boosaaso.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo ay la socdeen dad rakaab ah, waxaana saddexda qof ee dhintay lagu sheegay inay ahaayeen dumarka la socday gaari ka yimid Magaalada Boosaaso

Wali Mas’uuliyiinta Gobolka wax war ah kaam soo saarin Shilkaasi ka dhacay inta u dhaxaysa dalwayn iyo Juriile, waxaana sidoo kale laga dayrinayaa xaaladda dadkii ku dhaawacmay Shilka.

Degaanada Maamulka Puntland ayaa tiro dhoawr jeer ah waxaa ka dhacay Shilal khasaaro badan dhaliyay, oo ay ku dhinteen dad shacab ah, waxaana inta badan loo aaneeyaa waddooyinka qaar oo bur-bursan iyo Gaadiidka oo xawaare lagu wado.