WARARKA SOOMAALI

Shil naxdin leh oo ka dhacay Puntland iyo faah faahin laga helay

By Xuseen Post

May 30, 2021

Hal gabar ayaa ku geeriyootay, shan ruux oo kalena waa ku dhaawacmeen shil gaari oo xalay ka dhacay halkii laga raray Kantaroolka Galbeed ee Magaalada Garoowe, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Gaariga shilka galay oo ahaa nooca loo yaqaan PL-ka ayaa ka yimid dhinaca degaanka Laacdheere, waxaana saarnaa dad gaaraya 10 ruux, Shanta ruux oo dhaawacmay midkood ayaa xaaladiisu liidataa.

Dad goob ka agdhawaa ayaa gurmad xoogan u sameeyay dadkii waxyeelada soo gaartay, kuwaasi oo si deg deg ah loo gaarsiisay Isbitaalka weyn ee Garoowe, waxaana qof kamid ah dadkii dhaawacmay xaaladiisa tahay mid liidato.

Dareewalkii gaariga waday oo markii hore cararay ayaa haatan Booliisku xaqiijiyeen in gacanta lagu dhigay islamarkaana su’aalo laga weydiinayo sida shilkan u dhacay.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana ugu dambeysay shil gaari oo jimcihii ka dhacay degaan hoostega Gobolka Sool.