Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga walwalsan yahay kiiska Jeneraal Sheegow iyo beegsiga lagu haayo Beesha uu kasoo jeedo Jeneraalka oo dhigtay banaanbax cabasho ah.
Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayaa waxa uu ku sheegay in hab aan wanaagsaneynin loo soo xiray Jeneraal Sheegow oo ay dowladda awood u adeegsaday, taasi oo uu xusay Shariifka inay sababtay khatar xooggan iyo inay kiciso caadifad.
Wuxuu intaas kusii daray Madaxweyne Shariif in Odayaasha iyo waxgaradka beesha uu kasoo jeedo Sheegow ay lasoo xiriireen, una sheegeen in aysan isku imaan karin, gaari raaci karin xitaa aroos dhigankarin oo Askarta dowladda kala dirayso.
Sheekh Shariidka ayaa tilmaamay in Askarta dowladda ay si faquuq leh ula dhaqmaayaan dadkaasi, isla markaana ay u diidan yihiin xuquuqdooda asaasiga ah ee muwaadinnimo.
“Odayaasha iyo waxgaradka beesha Jareer weyne oo ila soo xariiray waxay ii sheegeen in aysan isku imaan karin, gaari raaci karin xitaa aroos dhigankarin oo Askarta dowladda kala dirayso si faquuq lehna ula dhaqmaayan! Loona diidan yahay xuquuqdooda asaasiga ah ee muwaadinnimo.Cabashada Beesha Jareer Wayne walwal xooggan ayay igu dhalisay waxayna dhawac wayn ku tahay wadajirka bulshada Soomaaliyeed waxaan rajaynayaa in fiiro gaar ah loo yeelan doono” ayuu yiru Sheekh Shariif.
Dowladda ayaa dhawaan soo xirtay Jeneraal Sheegow iyo ciidamo daacad u ahaa oo uu hoggaaminayay, kadib dagaal saacado badan qaatay oo dhexmaray ciidanka Jeneraalka iyo kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.