WARARKA SOOMAALI

Sheekh Shariif oo walaac ka muujiyay sida ay ku bilaabatay Doorashada Golaha Shacabka

By xuseen waashitoon

November 24, 2021

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga hadlay doorsahada golaha Shacabka ee ka bilaabatay dalka iyo sida musuqa leh ee doorashadan ku bilaabatay.

Sheekh Shariif ayaa soo dhaweeyay bilaabashada doorashada golaha shacabka, hasa ahaatee waxa uu walaac xoogan ka muujiyay sida doorashada ku bilaabatay oo cabsho xoogan ka keeneen musharxiinta iyo beelaha qaar.

Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Golaha Wadatashiga Qaran inay xaliyaan tabashooyinka soo baxaya oo ay wax ka qabtaan cabashada iyo walaaca laga muujinayo hannaanka loo maamulayo doorashada.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa Guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed la dalbaday inay dedejiyaan doorashada Golaha Shacabka, isla markaana laga fogaado wax kasta oo mar kale dib u dhac u keeni kara doorashada Golaha ee ka bilaabatay dalka.