WARARKA SOOMAALI

Sheekh Shariif oo Baaq DEG DEG ah kasoo saaray Dagaalada ka socda Laascaanood

By xuseen waashitoon

February 16, 2023

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa War kasoo saaray dagaalada maalintii 11-aad galay ee ka socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaasi oo u dhexeeya ciidanka degaanka iyo ciidanka Maamulka Somaliland

Qoraal dheer oo uu Shariifka baahiyay ayuu waxa uu marka hore ayaan darro wayn ku tilmaamay Dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood oo gaaray maalintiisii 12-aad, iyadoo colaaddu ay sii xoogaysanayso oo weli aysan muuqan ififaalo nabadeed.

Sheekh Shariif ayaa waxaa uu ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo xabadda, isla markaana ciidanka Somaliland laga dul-qaado magaalada Laascaanood, sidoo kale waxaa uu Shariifka ka dalbaday Isimada iyo waxgaradka dhinaca kulan degdeg ah isugu yimaadaan.

“Looma dulqaadan karo daadinta dhiigga Soomaaliyeed, waxa ka socda magaalada Laascaanood waxaa lagu sifayn karaa dambiyo ka dhan ah Bini’aadannimada, xad gudubna ku ah mucaahadaadka iyo xeerarka caalamiga ah.  Duullaanka socda waxaa laga dhaxlayaa oo qura, dhimasho, dhaawac, nacayb ay wiil iyo abtigiis isnacaan, colaad mahadho ah iyo burbur hantiyadeed” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa uu Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay adeegsato culays siyaasadeed iyo mid Diblimasi sidii nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa colaadda dabo dheeraatay.

Gaba-gabadii Shariifka ayaa bogaadiyay dadaallada beesha caalamka ee ku wajahan daminta colaadda ka aloosan Laascaanood; “waxaan leeyahay waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa cidda hurinaysa colaadda Laascaanood iyadoo la adeegsanayo fagaarayaasha caalamiga ah sida: The Arusha Tribunal iyo Maxkamadda dambiyada caalamiga (International Criminal Court)” ayuu yiri mar kale Sheekh Shariif.