Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu ka hadlay qaabka ay ku shaqeeyaan Ciidanka Dowladda iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin. Shariifka Xasan ayaa caalamka ka dalbday in Soomaaliya Cunaqabteynta dhanka Hubka ah laga qaado, si ay ula dagaalamaan Shabaab, guud ahaan dalkana ay uga saaraan. Hadii ay taasi dhici waydana aan waligeed shabaab si fudud looga guuleysan karin.