WARARKA SOOMAALI

Sharciyadii yareenta Sixir bararka oo deeganada Somaliland oo Fuli waayey & Telesom oo sii wada helida Dollarka oo dhan.

By News Hour

March 21, 2018

Maamulka Somaliland oo isku dayeye dhawaanahan inuu wax ka qabto sixir bararka naafeeyey dadka Danyarta ah ee deeganadaas uu ka taliyo ayaa ku guuldaraystay arimahaas ka dib markii shirkada Telesom ay diidey inay fuliso go’aamadii arimahaas ku saabsanaa. Lacagtaha hawada ah ee telefoonada lagu shubto ayaa waxa laga isticmaalaa deegamadaas oo kala ah EDAHAB oo ay leedahay shirkada Dahabshiil oup Zaad oo Telesom ah, waxaana la isla qaatay inaan wax $100 ka yar la isu diri karin balse taas ayaa Telesom fulinteedii ku adkaatay ayadoo la sheegay in EDAHAB ay dhankeeda fulisay ama u hogaansatay awaamiirtaas.

Shirkada Telesom ayaa la sheegay inay ka heshay taageero qaar ka mid ah xubnaha maamulka Somaliland ka mid ah sida wasiirka maaliyada Yusuf Maxamed Abdi Raagge oo la sheegay inay isku hayb yihiin ninka leh Saamiga ugu badan shirkadaas Telesom iyo gudoomiyaha bangiga Somaliland oo isaguna qoys ahaan u taageeray Telesom.

Telesom ayaa sidoo kale abaabuushay dad badan oo ka hadla arintaas, waxaana warar la ogaaday cadeeyeen in bedelashada lacagta, aruursiga iyo socodsiinta la wareegida dollarka ay si caadi ah u sii wado Telesom.

 

Dadka danyarta ah waxay Telesom ku Eedeeyaan in adeegyadeeda dhanka telefoonku yahay kan ugu qaalisan, Sidoo kalena ay tahay shirkada lacagta waraaqaha ee dollarka ah ee ugu badan gacanta ku haysa tasoo sababtay in jaangooyada qiimaha Dollarku  noqday mid heehaabaya dad badana ay ku naafoobeen oo u badan ganacsatada yar yar iyo danleyda Soomaaliyeed.