WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Taliye Odawaa oo tababar u furay Askar cusub oo la-dagaalameysa Al-shabaab

By xuseen waashitoon

November 08, 2022

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawa Yuusuf Raage ayaa xerada ciidanka kumaandooska Danab ee Ballidoogle wuxuu tababar ugu furay askar cusub oo ku biireysa ciidanka xoogga dalka.

Jeneraal Odawaa ayaa askartaan uu maanta tababarka u furay wuxuu kula dardaarmay inay daacad u noqdaan shaqada qaran ee loo carbinayo.

Tababar maanta loo furay ciidankaan cusub ayaa ku soo aadaya, xilli ciidanka xoogga dalka uu Al-shabaab kula jiro dagaal culus oo dalka looga xoreynayo argagixisada.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawa Yuusuf Raage ayaa Ciidamada cusub kula dardaarmay inay tababarka si wanaagsan u qaataan, isla markaana fuliyaan amarada saraakiisha.