WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo gaaray Jabuuti iyo ujeedkiisa

By xuseen waashitoon

December 08, 2021

Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti.

Safarka taliyaha iyo wefdigiisa ayaa ku qotoma in tababar uu u soo xiro Barri dufcaddii 15-aad ee ciidanka Daraawiishta oo lagu soo tababaray dalka Jabuuti.

Taliyaha iyo wefdigiisa waxaa si heer sarre ah  ugu dhaweeyey Garoonka diyaaradaha Jabuuti Saraakiil ka tirsan Boliiska Jabuuti iyo Talyaaniga oo iyagu tababarka siiya ciidanka Daraawiishta ee lagu tababarayey Jabuuti.