Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku booqday isbitaalka Erdogan ee Muqdisho dhaawacyada howlwadeennadii ka shaqeynayay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ee argagixisadu ay qaraxa la beegsadeen ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdoodaba in ay dhistaan dalka, kana xoreeyaan argagixisada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay howlwadeennadan ku dhaawacmay iyagoo ka shaqeynaya horumarinta dalka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Injineerro u dhashay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga sida ay uga dhiirran yihiin garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed oo cadowga argagixisada ah ay u bartilmaamsadeen dadaalka dib u dhiska ah ee ay ka wadaan dalka.
“Argagixisadu waxa ay ka soo horjeedaan nabadda iyo howl kasta oo dalkeenna lagu horumarinayo, waxaase xaqiiq ah in marnaba weerradooda fulaynimada ah aysan ka hor istaagayn shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dib u dhiska iyo horumarinta dalka”.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Alle u weydiiyey naxariistiisa Janno walaalihii Turkiga ahaa ee ku nafwaayay falkan iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee kala shaqeynayay dhismaha waddada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxa uuna tilmaamay in dowladdu ay xoogga saareyso daryeelka caafimaad ee halyeeyadan naftoodu u hibeeyey horumarinta dalkeenna.