WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray Magaalada Baladweyne & ujeedkiisa

By xuseen waashitoon

August 25, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa Maanta gaaray Magaalada  Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay, sida lagu arkayey Sawirrada.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, ku-xigeenkiisa Daba-geed, mas’uuliyiin, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada.

Intaas kadib ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya loo galbiyey dhinaca Xarunta Madaxtyooyada, isagoona marka hore ka mahadceliyey soo dhaweynta ballaaran ee Maanta loogu sameeyay Magaalada Baladweyne.

Ujeedka safarka Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira u kuurgelidda xaaladda abaaraha iyo dhiirigelinta ciidamada qalabka sida ee la dagaallamaya Al-shabaab, sida lagu sheegay Qoraal kooban lagu daabacay bogga Warfaafinta Ra’iisul Wasaaraha.