WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo siweyn loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

By xuseen waashitoon

November 15, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Guddoonka Barlamaanka Galmudug ,mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

Ujeedka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu yahay dardar-gelinta howlaha doorashooyinka gaar ahaan doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo dhawaan ka bilaaban doonta maamul Goboleedyada dalka.

Ra’iisul Wasaaruhu Inta uu joogo  Dhuusamareeb waxa uu  kulammo la yeelan doonaa madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono arrimaha doorashooyinka, nabadeynta iyo horumarinta adeegyada bulshada.