Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa xalay fiidkii oo Jimce ahayd booqday dadka ku dhaawacmay Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa tacsi u diray dhammaan dadkii ku naf-waayay Qaraxa oo ay ku jireen Saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug iyo dadweyne badan oo shacab ahaa.
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dawo iyo daryeel u fidin doonto dhaawacyada, isagoo tilmaamay in weerarka is-qarxinta uusan niyad jebin doonin dowladda Federaalka iyo Galmudug.
Booqashada Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud uu ku tegay Xarumaha Caafimaad ee la geeyay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Gaalkacyo ayaa waxaa ku wehlinaayay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Puntland.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee lala beegsaday Saraakiil iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goob ay ka socotay munaasabad lagu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble iyo Madaxweyne Axmed Qoorqoor.