HORUFADHI MEDIA |

SAWIRRO:-Madaxweyne Saciid Deni oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoogaaminayay ayaa duhurnimadii Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu soo dhaweeyay Caasimadda dalka.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Madaxweyne iyo wafdigiisa uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Xildhibaano, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo xubno kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa ujeedkiisa Muqdisho waxaa uu yahay ka qeyb galka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo la filayo inuu ka dhacdo Xerada Xalane, kuwaasi oo looga hadli doono khilaafka doorashada.

Madaxweyne Deni ayaa la dejiyay xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde, iyadoona saacado kahor Caasimadda ay yimideen Ciidamo Ilaalo u ah oo hubeysan, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday oo lagu faafiyay baraha Bulshada.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoogan ku saarrtay Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland imaaanshaha Magaalada Muqdisho, isla markaana cadaadi kadib aqbalay ka qeyb galka shirka Madaxda ee lagu saxiixayo heshiiska doorashada.

Exit mobile version