WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo oo dallacsiiyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska

By xuseen waashitoon

December 25, 2021

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay Munaasabadda Xuska Sannad Guurada 78-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, dhiirigelinaya na qaar ka mid ah Taliyeyaasha Hoggaannada iyo Qaybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u taagan ilaalinta amniga dalka iyo badqabka nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, ayaa dallacsiiyey Saraakiishan:

1- Taliyaha Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Aadan oo u dallacay Sarreeye Guuto.

2-Taliyaha Hoggaanka Isgaarsiinta, Gaashaale Sare Cabdikariin Xuseen Macallin oo u dallacay Sarreeye Guuto.

3- Taliyaha Akadeemiyada Booliska ee Janaraal Kaahiye, Gaashaanle Sare Muqtaar Gaabow Xasan, oo u dallacay Sarreey Guuto.

Booliska Soomaaliyeed waa cududdii ugu horreysay ee dowladnimada Soomaaliyeed, waa geedkii ay ka farcameen dhammaan qaybaha Ciidamada Qalabka Sida ee Dalkeenna.