WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Howlgal lagu soo qabtay Ciyaal weero iyo hub ay wateen oo la fuliyey

By xuseen waashitoon

July 25, 2022

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgallo amniga lagu xaqiijinayay waxaa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay kusoo bateen falalka Amni darro.

Intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamadu kusoo qabteen Ciyaal weero aad u farabadan iyo qalab ay dadka ku dhibaateyn jireen, kuwaas oo dhibaato weyn ay ku qabeen Shacabka degmada Kaaraan.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay gacanta kudhigeen 74 dhalinyaro ciyaal weero ah iyo in ka badan 50 Mindiyo casri ah oo horay dalka aan loogu arag, kuwaas oo dadka lagu dili jiray qaarkoodna lagu dhici jiray.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamada Amniga ay layaab ku noqotay in dad Warbaahinta ka sheegi jiray inay heysato Amni darro Gurigooda laga helay waxyaabo liddi ku ah Amniga, isla markaana Guryo badan laga soo saaray Tuutaha Ciidamada, iyada oo aysan askar deganeyn.

Ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, waxaana habeen walba ay Ciidanka Booliska sameeyaan howlgalo lagu soo qab-qabto burcad iyo Ciyaal weero farabadan.